News

One Man One Vote will win Victory

Nabad iyo Nolol

Kuligeyna dhan nabad Iyo  nolol baan nahay 

ICJ rules in favour of Somalia

Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf

Legal Counsel for Somalia 

 

Badda Somalia

Gari labo nin kama wada qosliso  

Badda Somalia gorgortan ma galeyso

Somalia, Somali baa leh

Kenya has formally asked the International Court of Justice (ICJ) to delay the hearing of the Somalia maritime dispute. Somalis will I see you there? Come and support Somalia! We shall win!

Philippe Sands, QC a British lawyer at Matrix Chambers, Alain Pellet French lawyer and another American lawyer are representing Somalia.

The hearing is scheduled for 15th March. We shall win!

ICJ to rule on Somalia-Kenya maritime case next month – Somalia Deputy MP

Myanmar Rohingya ICJ ruling

Thousands of Rohingya genocide. ICJ finds ‘irreparable damage’ caused to Rohingya; orders Myanmar to take steps to prevent genocide.

The Gambia took Myanmar to the ICJ

Long Live Gambia – Thank you for standing up for human rights

Deg Deg:-Dagaal Buulo mareer oo lala wareegay in Barakac Baraawe ka socda.

hqdefault

Waabarigii Saaka ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya waxaa ay Weerar ku qaadeen Gobolka Shabellaha Hoose,gaar ahaan Deegaanka Golweyn ee Gobolkaasi Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Huwantaa ay Gacanta ku dhigeen Deeganka Golweyn ,kadib dagaal Mudo qaatay oo ay la galeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” oo la hadalay VOA ayaa sheegay in Ciidamada iskaadhanaya ay la wareegeen Golweyn oo hada ay qarka u saran yihiin Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Siisii ayaa sheegay in ay Al-shabaab Dagaalka Jab loogu geeystay oo Dagaalyahano farabadan Dagaalka Saaka looga dilay,dhankooda ma sheegin wax khasaaraa oo soo gaaray.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamadii ugu badnaa ay Saaka Dagaalka galeen,kuwaas oo hada ku wajahan Magaalada Buula-mareer oo Al-shabaab ay ku Xoogan yihiin.

Khasaaraha Nafeed ee soo gaaray Dadka Shacabkaa wali lama sheegin.

Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana Fariisin Xoogan ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ka biloowday Qax ay sameenayaan Dadka Shacabkaa oo ka Cabsi qaba in Dagaalka ku wajahan Baraawe uu saameen ku yeesho.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka ku dhaqaaqay Magaalada Baraawe iyo Buurla-mareer kadib Weerar Dhowr jeho ah oo Ciidamada ay ka wadaan Badda iyo Birriga intaba.

Dad aan la Xariirnay oo ku sugan Baraawe ayaa sheegay in Dadka ay Magaalada iskaga Barakaceen,waxaan Magaalada ku dhacaya Madaafiic Ciidamadda ay ku garaacayaan.

Source: Caalamka.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *