About me

 

usediz

Assalamu Alaykum. Anigoo ah Khadra Abdi Hassan oo Somali ah haysta passport Dutch ama Holland. Waxaan ku dhashay Awaare, walaasheey igu xigta Foosiya Abdi waxeey ku dhalatey Awbare.

Dugsiga hoose-dhexe ee la oranjirey Biyaafara baan ku dhamaystay Borama, hada waxaa loo bixiyeey Adan Isaaq.

1972 baan soo dagney gobolka Sh.Hoose, Marka. 1973 waxaan dagneeyn Golweyn oo Aabahaay ku lahaa beero Moos. Waxaan daganeeyn ilaa 1983. Golweyn waxay ka tirsantahay golbalka Sh. Hoose. Waxaa mara labada wabi ee Juba iyo Shabelle. Waxaan dugsiga dhexe ku qaatey Marka cadeey.

1976 duruusta oo dhan waxaa loo badaley af-Somali, class 8 baan ku qaatay af-Somali. Waxaan xasuustaa su’aal iyo jawaab ku jirtey itixaankayga oo science aheyd. Waxeyna ahayd sidan: Waa maxey kaaftoon? Jawaab: kaaftoon waa awood uu leeyahay hal atom uu ku haysto ama iskugu xirmi karo atamada kale marka uu falgal kimiko ka dhexdhaco.

Waxaan galay Xalane 1978-1979 macalimintii BB ardeydii ugu horeysey ee labo sano Xalane gashay baan ahaa.

Askar baa na dhibijirtay. Waxay noo sii diyaarin jireyn qol olyobushaate (dirty oil) ayka buuxdo oo daaqadana la furi kareyn. Wax lagu fariisto ama lagu seexdo majirin . Aad bay u dhib badneyd Xalane.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *