Entertainment

Hurghada – Egypt

hurghada_citymap580

Hurghada (“Gardaga”) was just a small fishing city by the Red Sea until it became the first destination developed as an Egyptian major Red Sea resort. Today its the largest Egyptian resort city by the Red Sea. It has a population of 261,714 people.

She got a central location by the Egyptian Eastern Desert, with car it’s only three and a half hours drive to Luxor with her monuments by the Nile (via Safaga) and about five hours drive to Cairo and the grand pyramids (via Suez). There is an important international airport here, but most traveling with regular flight come here via Cairo. With just a fifteen minutes drive from El Gouna, its also a place frequently visited by those staying in El Gouna’s hotels.

Many tours goes from Hurghada and inside the mountain area of the Eastern Desert where mines back to Pharaonic times are found. On the way to Cairo is the legendary monasteries of St. Antonius and St. Macarius. St. Antonius (251 – 356 B.C) is considered the founder of monasticism in Christianity, so roots back to his cave north of Hurghada is strong in the Western world. A “key word” here can be the painting “The Temptation of Saint Anthony” by the truly unique artist Jheronimus Bosch (1480-1510).

Most famous for those going here, is today still the Red Sea with its coral reefs, colorful fish life, diving – or just relaxation on the beach. A tour on the Red Sea is a must, and there are many islands around you will get to on most tours from Hurghada. The night life is also a own story here – most hotels have own entertainment from live music to disco, and restaurants and bars are found all over the city.

Source: Safari Egypt

National Theatre of Mogadishu 

Ruwaayadihii ku galay Xamar

  1. Qabrigii Jacelka – Saynab Ciige

2. Afar naag low amar baa ku heysta by Fadumo Qaasin

Ruwaayadihii ku galay Borama

1. Wad iyo Wacad by Baxsan

2. Barkhad cas by Maxamed Mooge iyo Ahmed Mooge

3. Jeel iyo Jacel by Sahra Ahmed

Ruwaayadihii ku galay Marka Cadey minan aw Cusmaan

  1. Shan iyo tobankii shumey by Hakeema Ali & Abdulkadir Cusmaan

Ruwaayadihii ku galay Qoryoley

  1. Hablayahow had maar guursan doontaan -by Hibo Mohamed & Fadume Nakruuma & Saado Ali & Qamar Abdillahi Harawo & Feynuus Sheikh & Abdi Beer Dilacshe  & Awkuk

Hotel Jubba Xamar

Collegeka caafimaadka baa ku jirey 3 bilood. Sannadkii 1976 ma jeleysan in aan ku sii jiro waan ka harey. Habeen baa hotel Jubba oo u dhowa collegeka anoo ag maraya arkey timo feer ku yaal. Timo dheer baan lahaa, waxan u badaley afro anoo ka xun timahii aan sii kidisa iskaga jarey baan ka soo baxey oon u soo lugeyey collegeka. 

University College London (UCL) Graduation 2015

centrestag

Sanad waliba waa heestii tubeec

 

Abwaan Jaamac Kadiye – Soomali Baan Ahay (Gabay)

 Beeraha mooska ee Golweyn, 1983

abtiyo

Maxamed saleeban geela

Geela oo dabalanaya

 

Maah-maah af-Soomali ah

1. Hadalku intu afkaga ku jiro buu amantada leeyahay.

2. Hubsimo haldhan baa la siista.

3. Talo adaa ku nooleh ee ayadu kugama noolo.

4. Hadey degdegsimo door dhali layad kaasiyana kiish lacag ah bay dhali lahayd.

5. Daacadi ma huungowdo.

6. Alla aamin ma iisho.

7. Af nool waa hadlaa eyne waa ciyaa.

8. Abaal nin galaa baa baadan nin guda waa yar yahey.

9. Haddii aan la kala roonaan roob ma do’o.

10. Gari laba nin kama wada qosliso.

11. Far iyo meel bugtaa is og.

12. Falaadhi gigilasho kaagama go’do.

13. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.

14. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.

15. Dadku hadalkay isku af gartaan xooluhuna urta.

16. Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.

17. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.

18. Rag waa ragii hore hadalna waa intuu yidhi.

19. Raad arrooryo dib looma raaco.

20. Niinkii uurka dabana Allah baa arka, ninka isha dabane aadmibaa arka.

21. Nin xil qaadey eed qaad.

22. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.

23. Nin daad qaaday xunbo cuskey.

24. Nin meeli buktaa isagay balbashaa.

25. Nimaan waxa jooga garanin, waxa soo socdana ma garto.

26. Niman kuu furudoonin yuusan kuu rarin.

27. Marna taagtaa marna tamartaa.

28. Libaax nin ganay iyo nin galaday baa og.

29. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.

30. Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis.

31. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha.

32. Sidaan kugu lisey igumaad hanbeyn.

33. Allah watow wehel uma baahna.

34. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.

35. Ama afeef hore lahow ama adkaysi dambe.

36. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqandee.

37. Xaajo nin la toosan ayaa nin kale la xun.

38. Awar awar wado iyo nin naagi waddo midna kaama leexdaan.

39. Baadi nin aan lahayn bay ag joogta.

40. Balaayo madax la qabto bey leedahay ee mijo la qabto ma la ha.

41. Barasho horteed ha ii nicin.

42. Beeni raad ma laha.

43. Doqoni adeerkeed aabaheed ma moodo.

44. Wan weyn ilaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkan.

45. Ciirtaa dhamaa ceebtada yaqaan.

46. Baruur qura baruuryo qurmisa.

47. Seddex dadkaa kugu naca baryo badan mugtan budan iyo baahi badan.

48. Timir laf baa ku jirta.

49. Togba taagtii buu rog madaa.

50. Dameeri dhaan raacdey.

51. Colka waraf ma lagu dayey.

52. Waxanad fileyn iyo falariba wey kaa nixiyaan.

53. Doqon ha u garkarin hana gargarsan.

54. Kor weyeel waa wado indho.

55. Fuley wax ka ula badan.

56. Dameeri isku haleyn bay dabada hooyadeed ugu nuugta.

57. Ninba qumanihiisa qorta u suran.

58. Doqonta usha agteeda ku rid hadey garan weydana go’ga ugali.

59. Nin durmaan tuntey ilaaq dalbey.

60. Miro kuunti ku jira kuwo geed saaran  looma daadiyo.

61. Biyo sacabadaada looga dharkaa.

62. Madax muuqda iyo midi saawir ah midna lagama quusto.

63. Geel wada sibir godan.

64. Hal diideysa geed ay ku xoqoto ma weydo.

65. Abeeso farta loo tagey fanax bey u boodaa.

66. Nin tuur leh siduu u seexdo asaaga yaqaan.

67. Tagta daayo timada haay.

68. Ood qaadid iyo jiidid waa isla’a gurigeeyn.

69. Shibiri laba geed ma wada gurato.

70. Aayax tag eelana reeb.

71. Nin ku warankagu galin weedhaadu ma gasho.

72. Waan baahanahay bakhtiga luuma cuno.

73. Niin weyn tag lama yirahdo ee waxuu ku tago baa la tusaa.

74. Hashu maan keyga gadatee ma masaar mey liqdey.

75. Doqoni meel lagu xafil tamayo bey moodaa in lagu kala tagey.

Ila Qosol

Wiil caruurtayda ilma adeer yihiin oo Kenya laga keenay baa nooga yimid tuulo yar oo Holland ku taala oon daganayn. Maalin maalmaha kamid ah, baa ku yar oo cadaan ah weydiiyay inankeyga, neefje kaaga miyaa? Neefje Hollandiisku waxay yiraahdaan ilma adeer. Kana wuxuu u qaatay inuu leeyahay neef. Kilkisha intuu madaxiisa galiyay buu feer siduu ugu waday sanka dhiig kaga keenay. Markaan weydiinay sababtuu u dilay, wuxuu noo sheegay, inuu qoor sagaaro uun ku qabtay. Waalidka wiilka cadaanka ah dhalay, waan raalli galinay. Waxaana u sheegnay inuu isfahan la’aan dhacay.

Xamar

Islaan aayo ii ah oo Waqooyi ka timiday baa waa hore Koonfur oo Xamar ah noogu timiday. Waxay aragtay dumarka Xamar degan oo wada boorso dheer wata. Markaas bey igu tiri, dumarkan reer Xamarka ah ee boorsada jeeni qaaran ma sahay bey ku wataan.

Maskii Liqay Digaaga

Islaan habaryar ii ah, baa waxay qabtay indha habeedin. Subax iyadoo dab shidaysa baa agteeda waxa fadhiyay mas weyn oo jabiso ah oo dhowr xabo oo digaag ah liqay. Lugihii digaagana afkiisa ka soo jeedaan. Iyaduna ma arkayso oo hawsheeda bey iska wadataa. Illaahayna wuu ka salaamad bixiyay. Waxayna sheekadaan ka dhacday Golweyn, Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ninkii Cunay Cuntada Bisadaha

Nin Soomaali ah oo Holland qaxooti ku ahaa baa markuu adeeganayaba wuxuu iibsadaa cuntada mukulaasha. Wuxuu moodi jiray malayga daasadaha ku jira. Maalin maalmaha kamid ah, bey naagta cashier ka ah weydiisay oo ay tiri nin yahow mukulaashaada waad u roontahay oo cunto fiican baad u iibisaa. Markaasuu ku yiri anaaba cuna oo miyuuna ahayn malay. Naagtii wey yaabtay oo dhakhtarkay wacday si baaritaan loogu sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *