Abdi Hassan Buuni

Once Upon A Time…. before the war.

1slide

Taariikh Nololeedkii marxuum Cabdi Xassan Buuni

Ebbe jannadii ha ka waraabiyee, wuxuu marxuumku ku dhashay Boorama oo ah magaala madaxda gobolka Awdal ee carriga jamhuuriyada Somaliland.Wuxuu Cabdi Xassan muddo dheer ku soo jiray siyaasada kuna dhow nus qarni ama 48 sannadood. Wuxuu noqday ku-xigeenkii ugu horeeyey ee raisal-wasaare Soomaaliyeed sannadkii 1960. waxa kale oo laba jeer loo doortay  xildhibaan baarlamaankii Soomaaliyeed ee ka horeeyey Siyaad Barre.

Markii uu kacaankii la wareegay taladii wadanka , ayuu Buuni u jeestay dhinaca baayac-mushtariga.Wuxuu ahaa mulkiilihii shirkada ugu wayn ee gobolka shabeelaha hoose.Waxa loo doortay gudoomihii guddida shirkada- the Agro-Industrial Trading Company( AITCO). Isaga oo Ilaahay hebo u siiyey dhinacyada siyaasada iyo ganacsiga ayuu dhidibada u aasay ama sameeyey shirkad kale oo wadaag ah( joint-venture)oo ay ku midoobeen qaybo Ruush iyo Fransiis ah. Waxa la odhan jiray – The Socalmer/Markan Sea iyo Aitco Fishing Corporation. Marka la soo gaabiyona-AFCO.Wuxuu marxuumku ka noqday shirkadaasna gudoomiye. Wakiilna waxa u ahaa ninka la odhan jiray “ Louiis Dubio.”

Ka dib markii dawladii Siyaad Barre ay burburtay, dalkoo dhan dagaal ahlihi ka dhacay ayuu labadaraadleh ku sugnaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo ahayd goobta ugu ba’an ee wadanka. Wuxuuna aaminsanaa inaanay Soomaali sidaas ku burbureyn. Laakiin himiladiisii iyo rajadiisii wadanimo waxay noqotay “ Hal bacaad lagu lisay.” Taas oo sanawaad waxba ka soo naaso cadaan wayeen.

Cabdi Xassan wuxuu go’aansaday inuu meel nabad ah naftiisa ula cararo isagoo wixii adduun ahaa ee uu tabcaayey tan iyo lixdankii uu ka yimid. Nasiib wanaag wuxuu qayb libaax ka qaatay shirkii dib u heshiinta ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama Nov.1992-May 1993. Arrintaasina waxay ku dhamaatay guul iyo dawlad loo dhanyahay oo la sameeyey. Waxa madax ka ahaa Ilaahay ha u naxariistee aabihii Somaliland Maxamad Ibraahim Cigaal.

Ka dib markuu mudoo kula noola reerkiisa carriga Holland, ayuu guntiga dhiisha isga dhigay sidii uu uga shaqayn lahaa nabada iyo horumarka ummada walaalaha ah ee ku nool Jamhuuriyada Somaliland. Wuxuu horkacay gudidii nabadaynta ee S/L ilaa 27/10/1997 ka dib markii ay nabad iyo xasiloonaan rasmi ahay ay ka hirgashay S/L.Waxa lama ilaawaan ah markasta oo  Holland uu yimaado, wuxuu qabanqaabin jiray shir uu kaga hadlaayo xaalada S/L iyo heerka ay marayso nabadayntii bulshadu.Taariikhduna been ma sheegtee ayadaa sheegi doonta.Sannadkii 2003 ayaa Buuni loo magacaabay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha. Waxaana loogu doortay xilkaas, wuxuu ahaa siyaasi ruug-cadaadi ah oo xalil kara wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala golayaasha kala aragtida duwan, laakiinse hadafka kaliya leh( nabada,wada noolaansha iyo horumarka bulshada S/L.)Wuxuu jagataas hayey ilaa maalintii uu geeriyooday 1/6/2009 allaha awooda lihi jannadii ha waraabshee-AAMIIN.

 Curriculum Vitae (C.V)  

Name:                    Mr. Abdi Hassan Buni

Place of birth         Borama (Somaliland)

Nationality             Somaliland/ Dutch

Residence               Hargeisa

Martial Status         Married

Educational Background 

1946-1948 Elementary School Borama

1949-1950  Intermediate School Sheikh

1954-1955  V.T.C Amoud (by correspondence course).

1956-2008  Self study and experience in business and politics 49 years.

 Work and previous experience  

1953-1955  In BP refinery in little Aden

1954-1956  Clerk in Somaliland Scout at Goraya-awl

Clerk Liaison office Aware( Aw- Bare) Ethiopia Accountant General Hargeisa as head of pension and gratuity department

Dec.2003  Member of Kulmiye executive committee

March 2003 Resigned from Kulmiye committee and joined the ruling                                       UDUP party

July 2003  Minister of co-ordination of state councils of Somaliland  Republic

Source: Qaran News

Allahu u naxariisto Abdi Hassan Buuni – 1st June 2009 (not 2nd June)

Aabo waxuu ahaa qof aad u fiican oo wax barashadayada iyo quranka inaan barano ku dadalin jirey. Waxaan ku xasuusta habeen aniga iyo asagu Marka Cadey ka nimid, in aan ka casheyney hotel safari Sanabood. Waxa nala weydiiyey cashadan rabno. Aabo waxuu dalbadey chicken ana waxaan iri marq minestrone. Maan garaneyn chicken wax lago wado. Casho xun baan dalbadey oo khafiif ah, wanan xishodey in aan iska badalo. Allahu u naxariisto aabahey.

Aadan Cabdulle Cusmaan

Madaxweyne 22 July 1960 -1964

AAden Abdille Osman

Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke

22 July 1960 -1964

Abdirashid_Ali_Shermarke1

Abdi Hassan Buuni

Ra’isul Wasare Ku Xigeen

22 July 1960 -1964

1slide

Allahu u naxareesto

The List of the Somali Cabinet Ministers from 1960-64

Source: https://operationoverload.wordpress.com/2010/03/01/the-list-of-the-somali-cabinet-ministers-from-1960-64/

Kumuu ahaa Marxuum 

Cabdi Xasan Buuni?

cabdi-xasan-buuni

Allah ha unaxariisto Janadii Fardawsa ha geeyo IIlkana Neecaw Udgoon ha uga dhige waxaa 1 Juun ku geeriyooday Magaalada London Wasiirkii Golaya asha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni geeridaa soo naxdin iyo wala ac ku beertay Shacbiga iyo Dawlada Somaliland oo Marxuumku u hibeeyey Naftiisa iyo Garaadkiisa…

Hadaan Tisqaadno ayaamihii Sooyaal ee Marxuum Cabdi Xasan Buuni Sada ro kuma soo uruin karno balse aan Raadraacno Ayaamihii tagay iyo Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni

19/12/1935 ayuu ku dhashay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal
1946 waxaa uu Dugsiga hoose kaga baxay Magaalada Boorama
1948 waxaa uu dhameeyey Dugsiga dhexe ee Sheikh ee Magaalada Sheikh
1953 waxaa uu koorso Maamulka iyo Maareynta ku soo qaatay Magaalada Caddan

1954-1956 waxaa uu kamid ahaa ciidamadii ingiriiska Somaliland Scots

15/11/1958 waxaa uu Xisaabiye Guud ka noqday Magaalada Hargeisa
1960 waxaa uu ku biiray Baarlamaankii uhoreeyey ee Somaliland
1july 1960 waxaa uu noqday Ra, iisuwasaare ku xigeenkii Somalia
1964 waxaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo Aqalka Baarlamaanka
1969 waxaa uu noqday Madax Mashruucii Golweyn ee muuska ee Shabeelada Hoose Ka dib markii uu dhacay Afgambigii Military wuu ka Fariistay Siyaasada.

1982-1984 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Sameynta Qalabka Beeraha ee (AITCO)
1985-1990 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Kaluumaysiga ee AFCO
Waxii ka danbeeyey Burburkii Somalia waxaa uu kaalin mugleh ku lahaa Nabadeynta iyo Hormarinta Maslaxada Umada isagoo 1995-1997 ahaa Lagudoomiyaha Gudigii Nabadeynta ee Somaliland.

2003 waxaa uu noqday Wasiirka Golayaasha jamhuuriyada Somaliland Xilkaa oo uu hayey ilaa tii Alle uga timaado.

Alle ha unaxariiste waxaa uu ahaa Marxuum Cabdi Xasan Buuni qof Shakh siyad wanaagsan leh markastana utaagan Maslaxada Ummada, waxaa uu ka hormarin jiray danihiisa gaarka ah, waxaa uu ahaa qof u taagan udeeg ida Bulshada ahaato mid Qofeed ama Ummadeed sida aan ka soo xigtay Prof: Najiib Sh. C/kariim oo ay saaxiibo ahaayeen mudo dheer waxaa kaloo lagu tilmaami jiray nin Nabadeed isagoo Mucaarad iyo Muxaafadba si guud ugala hadli jiray danaha guud ee Shacbiga badnaa waxaa uu kulamu la qaadan jiray Habeenada Khamiista, waxaa uu ahaa qof yaraantiisii wax isasoo baray ilaa uu gaaray in ninkii madaxa ka ahaa Dugsiga Camuud uu eryo taasina ma hakin damaciisii Waxbarasho waxaa uu go,aansaday inuu Waxbarasho udoonto Magaalada Burco lugna uga soo ambabaxay Boorama taasoo ka yaabisay ninkii heystay Camuud kadibna uga daba yimid Duleedka Gorayo-Cawl kuna soo qaaday Gaadhigiisii ilaa Hargeysa.sida uu iishegay Mudane Daahir Goodaad oo kamid ah saaxiibada udhawaa Marxuumka kana mid ah Golaha Guurtida Somaliland.

Marxuumku waxaa uu ahaa Nin Dhanka Ganacsiga hal abuur uleh, waxaa uu ka Unkay Duleedka Magaalada Muqdisho Hotelkii Caanka ahaa ee Buuni Hotel, waxaa kaloo uu kulahaa magaalada Boorama Hotelka Caanka ah ee Faras Magaalaha ku yaal ee Harawo Hotel oo dhismihiisu ahaa 1962
Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni waa mid aan dheehday dhawaan mar aan hawlo ka yeeshay, Ina xasuusisay hawl karnimadiisii iyo Hagar la,aantiisa…
Alle ha unaxariisto Ehelkii iyo Shacbiga iyo Dawlada Somaliland Samir iyo Iimaan ha kasiiyo…….aamiin……..aamiin………aamiin.
F.G: Mahadi ha ka gaadhe waxaa igu Gacansiiyey Xogsooyaaleedka Marxuu mka Mudane Xussen Caynaan oo ahaa Saaxiib iyo Rafiiq aad ugu dhawaa Marxuumka Ta.lo wadaagna ay ahaayeen.

Source: Longlivesomaliland.com

 Taariikh Nololeedkii Allaha u Xaxariiste Marxuum Cabdi Xassan Buuni, Wasiirkii Hore Xidhiidhka Golayaasha Somaliland

AWOOWORIP

Hargeysa, (Sawnews/harowo) – Sida aad la wada socotaan waxaa habeenkii xalay magaalada London ee Xarunta dalka Ingiriiska ku Geeriyooday Rabi Naxariistii jano hawgu deeqee Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Marxuum Cabdi Xassan Buuni, oo mudo dhawr todobaad ah Magaaladda London kaga jiray Cusbitaal lagaga dawaynayay xanuun dhinaca wadnaha kaga soo booday.

Hadaba Md. Cabdi Xassan Buuni, oo mudo dheer ku jiray Siyaasada iyo ka qayb qaadashada horumarka dalka, waxa uu ahaa shakhsi leh taariikh dheer isla markaana dalka ka soo qabtay xilal kala duwan, hadaba iyadoon la soo koobi karayn taariikhda balaadhan ee marxuumka waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kooban oo guud mar u ah taariikhdii marxuumka.

Waxaa 02-dii Bishan juun ee aynu ku jirno ku geeriyooday Magaaladda London Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Marxuum Cabdi Xassan Buuni, oo ka mid ahaa duqayda iyo siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, sida wayn looga yaqaan. Hadab Marxuum Cabdi Xassan Buuni oo Mudo dheer ku soo jiray Siyaasada iyo arimaha bulshada ee Dalkeena, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kooban oo taariikh nololeedkiisi ku saabsan.

Allaha u Naxariistee waxa uu Marxuum Cabdi Xassan Buuni ku Dhashay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal taariikhdu markay ahayd 1935-kii, dhinaca waxbarashadiisi aasaasiga ahayd waxa uu Dugsiga Hoose ka galay Elementary School ee Magaalada Boorama, sanadkii 1946-kii, sanadkii 1948-kii, waxa uu Dugsigiisi dhexe ka galay Magaalada Sheekh.

Sanadkii 1953-kii waxa uu magaalada Caddan ku qaatay koorso Maamulka iyo maaraynta ah, taas oo uu dhiganayay mudo sagaal bilood ah, sanadkii 1958-kii Passed Clericcal qualifying Examination promoted 3D Clerk.

Shaqooyinkii uu Marxuumku soo qabtay, waxaa ka mid ahaa Sanadihii 1954 ilaa 1956-kii waxa uu ku biiray ciidamadii Mustacmaradii Ingiriiska ee Somaliland Scots, waxaanu ka noqday karaani buuxa. intii u dhaxaysay sanadihii 1957 ilaa 1958-kii wuxuu la shaqeeyay Sarkaalkii Mustacmarada Ingiriiska u qaabilsanaa Hawd iyo Raseef Area dhulkii la odhan jiray, xiligaas shaqada Marxuum Cabdi Xassan Buuni waxay ahayd Karaani. taariikhdu markay ahayd 15-kii Bishii November sanadkii 1958-kii waxa uu noqday xisaabiyaha guud ee Magaalada Hargeysa.

Sanadkii 1960-kii waxa uu marxuumku xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee loo doortay Somaliland. Midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya gaar ahaan 1-dii bishii july 1960-kii waxa uu marxuum Cabdi Xassan Buuni noqday Ra-iisal wasaare ku-xigeenkii ugu horeeyay ee dawladii Somaliya. Sanadkii 1964-kii ayaa mar kale loo doortay jagadii baarlamaanka Somaliya.

Taariikhdu markay ahayd intii u dhaxaysay sanadihii 1965 ilaa 1968-kii waxa Marxuumku noqday waxa loo magacaabay Maareeyaha guud ee Shirkada Muuska ee Gobolka Shabeelaha Hoose, xarunteeda magaaladda Marka. 1982-kii ilaa 1984-kii wuxuu ahaa gudoomiyaha Shirkada Ganacsiga ee Agro Industureil Company (AITCO) oo taas oo ahayd mid uu isagu aasaasay. Intii u dhaxaysay sanadihii 1985 ilaa 1991-ka wuxuu ahaa gudoomiyaha Shirkada Kaluumaysiga ee (AFCO).

Sanadkii 1995- ilaa 1997-kii waxa uu noqday Gudoomiye ku-xigeenka Gudidii nabadaynta Somaliland. Bishii July 2003-dii ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u doortay inuu dawladiisi uu markaa soo dhisayay ka qabto jagada wasiirka wasaaradda Xidhiidhka golayaasha taas oo uu ka hayay ilaa imika oo geeridu u timiday. Marxuumku intii uu ifka joogay waxa uu guursaday laba dumar ah, kuwaas oo Rabi kala siiyay caruur tiradoodu gaadhayso 15-qof, waxaana caruurtiisa iyo intay sii dhaleen marka la isku geeyo ay sii cagacagaynaysaa ku dhawaad 36-qof.

Rabi Nacariistii jano ha ka waraabiyee, waxa uu Marxuum Cabdi Xasan Buuni Si wanaagsan ugu hadli jiray afafka Ingiriisiga iyo Carabiga iyo waliba luuqada Somaliga oo ahayd afkiisa hooyo.

Marxuumka maaha intani taariikh nololeedkiisi oo dhamaystiran balse waa qayb ka mid ah inta laga xasuusto, waxaanan hadaanu nahay bahda Maalmaha aanu idiin balan qaadaynaa inaanu wixii kale ee aan ka helno taariikhda Marxuumka idiin soo gudbin doona. dhamaan maamulka, Hawlwadeenada iyo wariyayaasha ka hawl Gala Shabakada Wararka ee Harowo.com iyo Wargeyska Maalmaha, waxaanu anagoo ka tiiraanyaysan geerida Marxuumka ka tacsiyadaynaynaa Qoyskii Qaraabadii iyo dhamaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuum Cabdi Xassan Buuni, waxaanan Marxuumka Alle uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, dhamaana samir iyo iimaan inaga siiyo aamiin.

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun

 

Source: Boorama.wordpress.com

Markab la dhacay wixii ku jiray

Marxuunka, Allaha u naxariisto, niman Faransiis ah baa ka dhacay markab waday waxyaabaha bada laga helo. Wuxuu ku qabtay markabka, bada Yemen. Waxay nimankii yiraahdeen wada hadal baan ogolnahay, markabka noo sii daa. Wuu yeelay. Ka dib weeydiideyn in ay lahadlaan. Lawyer buu qabsaday, wuxuu ku la taliyay in uu iska daayo inta dawlad Somali la helaayo, nabad galiyadiisa awgii. Waxaan u sheegayaa nimanka markabka wixii ku jiray dhacay inay soo celiyaan lacagtaas.

markab4

buni

Left: Abdi Hassan Buuni

Bogga tacsida marxuum Cabdi Xasan Buuni,wasiirkii xidhiidhka golayaasha qaranka

Writen by Qaran News |

 

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun.

 Dhamaan bahda shabakadda qarannews iyo akhristayaasheeduba waxay tacsi u dirayaan guud ahaan shacabka iyo dowladda soomaaliland gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka tegey wasiirkii xidhiidhka golayaasha qaranka ee Somaaliland marxuum Cabdi Xasan Buuni oo xalay ku geeriyooday magaalada London. Marxuumka ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo, ehelkiisa iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ilaahay ha ka siiyo.aamiin.

Tacsidana waxa diraaya

INAALILAAHI WA,INAAL ILEEYHI RAAJICUUN!!!

Anaga oo ah dhamaan gudida fulinta iyo bahwaynta xisbiga Udub/uk ee degan GB-waxaanu taxsi tiiraanyo leh u soo gudbinaynaa dhamaan qoskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan bulshawaynta Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi wasiirkii xidhiidhka golayaasha [cabdi xasan buuni] sidoo kale Marxuunka oo ahaa nin xalaal miirad ah aadna runtii u cibaado badnaa; weliba ahaa nin dadku u siman yahay oo aan cidna iska waynayn jirin; waxaanu Ilaahay uga baryaynaa in uu janadiisa firdawsa geeyo; kana ilaaliyo cadaabihiisa aamiin, aamiin, aamiin.

Ina lilaahi maa akhad, walahuu maa acdaa, wa kuli shayin cindahuu bi ajalin musamaa.

Mar labaad waxaanu leenahay inaalilaahi wa inaal ileeyhi raajicuun!!! Aleeylehe shiqsi culus ayuu waayay qaranka Somaliland

UDUB/UK

Tacsidan waxa diraaya

Aniga oo ah Maxamed Suleymaan Maxamed Wasiirka Wassaradda Wershadaha Somaliland oo haatan ku sugan Magaalada London ee dalka U.K. waxaan aniga oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee marxuum Cabdi Xasan Buuni – oo ahaa wasiirka Golayaasha ee JSL, waxaad iga gaadhsiisaan tacsi dhammaan:-

1. Dhammaan Qoyskii reer Cabdi Xassan Buuni
2. Eheliyada iyo qaraabda marxuumka geeriyooday
3, Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Dowladda Golayayaasha Qaranka iyo shacabka JSL

aniga oo Alle uga baryaya marxuumka naxariisto kana waraabiyo jantula fardowsa

Tacsidana waxa diraaya.

Anigoo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste),xaaskayga Mako caddib iyo caruurtydaba waxaanu halkan TACSI tiiranyo leh uga diraynaa dhamaanba shacabka Somaliland,Xukuumada,Golayaasha, Xisbiga UDUB,Qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtiiba,anagoo uga tacsiyeynayna GEERIDII naxdinta lahayd ee ku timid Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Marxuum Cabdi Xasan Buuni oo 01.06.2009 ku geeriyooday magaalada London Uk.

ILLAHAY naxariistii jano ha ka waraabiyo,intii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Amiiiin Amiiin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Manchester

Tacsidana waxa diraaya.

Tacsidana waxa diraaya

Ina Lillahi Wa ina Ileyhi Raajicuun

Waxa aan halkan Tacsi uga dirayaa xukuumada Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland , shacabka Somaliland guddo iyo debedba iyo dhamaan ehelkii iyo qaraanbadii uu ka baxay Alla ha u naxariistee Abdi
Hassan Buuni oo ahaa ruug cadaa siyaasi ah oo ka baxay Somaliland iyo dhamaan shucuubta ku nool geeska Africa.
Marxuumka waxaan ilaahay uga baryayaa inuu geeyo jannadii fardowsa,dhamaan eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Hussein Wadadyare
Ku xigeenka Wakiilka Somaliland ee Sweden

TACSIDANA WAXA DIRAAYA

INAALILAAHI WA INAAILAYHI RAAJICUUN

Anigoo ah Abdirashid Nor Osman(ANSHARAR),kuna hadlaya Magacayga iyo Kan Jahliyada AWDAL iyo SALAL ee ku nool NORWAY
Waxan Halkan Tacsi uga Dirayaa Dhamaan Bulshada Reer SOMALILAND,Saddexda Gole iyo Qaraabadii iyo Qoyskii uu ka Baxay Allaha u
Naxariistee CABDI XASSAN BUUNI oo Xalay ku Geeriyooday Dalka UK Magalada LONDON.

In Illaahay Isagana Janadii ka Waraabiyo Anagana Samir iyo Iimaan Naga Siiyo,Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin ALLAHOW

ABDIRSHID NOR OSMAN (CANSHARAR)
OSLO NORWAY.

Tacsidana waxa diraaya.

INAALILAAHI WA,INAAL ILEEYHI RAAJICUUN!!!

 

Dhamaan magacyada hoos ku qorani waxa ay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuun wasiir Cabdi Xasan Buuni, oo xalay fiidkii ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada London ee dalka Ingriiiska, marxuunka waxa ay ilahay uga barayayaan  in uu naxariistii jano uu kawaraabiyo dhamaan ehelkiisii iyo qaraabadii iyo ubadkii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan uu ka siiyo amiin.

Magacyada Tacsida diraaya
Ibrahim Cilmi Tukaale
Axmed Xasan Yusuf
Cumar Xasan Axmed
Ismaciil Maxamed Ildab
Axmed Xasan Coofleh
Cusmaan Xaaji Nuur
C/qani Cismaan Saban
Maxamed C/laahi Cabsiiye
Axmed Daahir Diiriye
C/qani Cali Khalaf
Maxamed Xasan Mataan
C/raxmaan C/laahi Jimcaale
Cumar Xaji Hadliye
Xuseen Cige Faarax
Cusmaan Daahir Xergeeye
C/qaadir Sh, Yusuf Sheekh Madar
Bashiir Maxamed Yusuf
Jamaal Adan Cusmaan
Maxamed Qani Daahir Diiriye
Caaqil Siciid Cawl
Caaqil RASHIID ADAN Xasan
Cali Siciid Cabdilaahi
Cali Roobleh
Maxamed Ismaciil Indhobalac
Suldaan Maxamed Jibaax Ismaciil
Maxamed C/raxmaan Maxamed
Maxamed Nuux Axmed
Dr Saleebaan Guribarwaaqo
Maxamed Xaaji
Cali Adan Cawaale
Cumar Yusuf Maxamed
Cabdi Good
Aniis Cabdilaahi Ciise
Axmed Siciid Gaboose
Siciid Guudcade
Mahdi Jaamac Rooble
Mohamed Jama
C/RAXMAAN Sh. Xasan
 

Tacsidan waxa diraaya.

Anaga oo ah madaxda xisbiga UDUB ee magaalada bristol (uk) Waxa aan halkan Tacsi uga dirayaa  eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Cabdi Xasan Buuni oo ahaa wasiirkii xidhiidhka golayaasha Somaliland waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu geeyo jannadii fardowsa,dhamaan eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Cumar aw cabdi      gudoomiye
Cabdi samaale           gudoomiye ku xigeen
cabdiraxman quule     gudoomiyaha garabka dhalinyarada
Kayse yusuf            madaxa siyaasada
Cabdi raxiin saxardiid
Faysal gamadiid
Suldaan mahdi cabdi
Waxaanu mar labaad marxuunka Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano siiyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin aamiin
Tacsidana waxa diraaya.
Dhamaan ururka ardayda JSL ee dalka Yemen waxay tacsi u dirayaan geeridii ku timi allaah ha u naxariistee  wasiirkii xidhiidhka goleyaasha Somaliland  marxuum Cabdi Xasan Buuni  oo dhawaan ku geeriyooday magalada London ee cariga IngiriiskaWaxayna marxuumka Illaahay igu baryayaan inuu janadi fardawsa ka waraabiyo dhamaan eheladii , qaraabadii  iyo hawshii qaranka ee uu umada uhayayba  uu  samir iyo iimaanka siiyo illaahayna marxuumka u dambi dhaafoaamiin aamiin aamiin
Source: https://qarannews.com/bogga-tacsida-marxuum-cabdi-xasan-buuniwasiirkii-xidhiidhka-golayaasha-qaranka/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *