TRAGEDY

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun FADUMO ALI JAMA (NAGRUUMA) MAY ALLAH HAVE MERCY ON HIM. TO ALLAH WE BELONG AND TO HIM WE SHALL RETURN – 21.02.21

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Allahu u naxariisto Ali Khalif Galaydh 09/10/2020 JigJiga

Waa nin kii u bixiyey magaca Harawo hotel Borama

Inaalilaahi wa inaaileyhi raajucuun

Allahu u naxariisto Axmed Xassan Cawke

cawke

Weriyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cawke ayaa daraasad uu ku sameeyey lumitaanka Telefoonada Gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka ayaa isagu noqday shakhsiga ugu mobile lumista badan magaalada Hargeysa, halkaas oo muddo 45 cisho ah oo uu joogay ay kaga lumeen Lix Telefoon oo Mobile ah, isaga oo sheegay in uu hadda sito mobile-kii Toddobaad,

weriye Axmed Xasan Cawke oo arrintaa uga Waramay Weriye ka tirsan Haatuf ayaa waxa uu yidhi ”Baadhistii aan ku sameeyey shakhsiga ugu mobil lumista badan magaalada Hargeysa ayaan anigu shakhsiyan is dhaafin waayey, waayo muddadii aan Hargeysa joogay oo ah bil iyo badh ayaa waxa iga lumay lix mobile, kan aan hadda sitaana waa mobilkii toddobaad, iyada oo lixdaa mobile-ba aan mid keliya la iga xadin, balse ay lixduba aniga ayay iga lumeen”

Haddaba mar la weydiiyey sababta ay mobiladu uga lumen, halkay kaga lumeen iyo inuu iibsaday lixda mobile-ba isagu, ayaa waxa uu ku jawaabay ”arrinta iigu wacan mobile lumista badan waa deeqsinimada dadka reer Somaliland sababtoo ah markuu mobile iga lumaba qofka I garab fadhiya uun baa ii iibiya xabad mobile ah, iyagoo dadka reer Somaliland ku odhanaya ma mobile-kii baa kaa lumay? Markaad ugu jawaabto haa, waxay ku odhanayaan iska daa anigaa xabad kuu soo iibinayee, iyagoo isla markiiba mid cusub kuu keenaya, sababtaas ayaa iigu wacan inay mobilo badani iga lumaan, hadaanay dadka reer Somaliland deeqsiyiin ahayn oo marka mobile-ka aan ku ilaabo meeshaan yara fadhiistaba sida hudheelada aan ka cuntaynayo oo kale aanay ii iibin lahayn waxa laga yaabi lahaa in lumista badan ee mobiladu iga yaraan lahayd”

Weriye Cawke isaga oo ka jawaabaya halka ay lixda mobile kaga lumeen wuxu yidhi ”saddex mobile waxay igaga lumeen magaalada Hargeysa oo reer Hargeysa way ii iibiyeen saddexdiiba, Boorama mid baa igaga lumay maalintii aaskii Cabdi Xasan Buuni oo reer Boorama xabadaa mobilka ah ee iga luntay way ii iibiyeen, Gebiley-na labaa igaga lumay oo midna way ii iibiyeen kii labaadna nin Suldaan ah ayaa iiga ergeeyey”

Weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ah Weriyeyaasha ugu caansan ee soomaray Idaacadaha Afka Somalia iyo Televisionada ayaa ah shakhsi u fiirsada dhacdooyinka aanay inta badan dadku u fiir-fiirsan, kaas oo hadda iyo jeer Ururiya Halku-dhegyo layaab iyo qosol xambaarsan oo bulshada dhexdeeda ka dhaca, basle aanay inta badan dadku si fiican u dhaadin

Source: Haatuf

Tacsi Tiiraanye: – Allaah Ha  u Naxariistee Waxaa  Magaalada Sweden Ku Geeriyaatay Cadar Hassan Buuni – 05/03/2019

Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun – Cadar Xassan Buuni

Tacsi Tiiraanye: – Allaah Ha  u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Borama Ku Geeriyaatay Saxarla Hassan Buuni – 13/12/2018

Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun – Qalin Xassan Buuni

Maanta waxa ku geeriyotey magalada Hargeysa 13-4-2017 Qalin Xassan Buuni. Allahu u naxariisto.

qalin abdi cassanbuni

Allaha u naxariisto Nimco O’Mohumad

nimco

Sacaada Abdi Hassan

new

(Sucaada on the left)

Walaasheey Sacaada Abdi Hassan Allaha u naxariisto, Waxay farmasiiste ku soo dhameysay Xamar oo ay ku dhalatay. Qaxii ka dib shaqo bey ka bilawday isbitaalka Borama. Wakhtigii la soo qaxay wax yar ka dib baa niman dhaliyaro ahaa oo wadaado isku sheegey habeen u galeen meel Borama ka mid ah. Madaxa bey ka dileen, dhagahana ka garaaceen. Ka dib dhagaha baa cuslaaday wax daba galay oo dac weeyay na ma jirin. Waxay ku maageen madax qaawanaa. Ilaahay baa aakhiro iyo aduunba kaga goyn. 2007 bay Sacaadi timid yurub dalka Sweden, mudo markay sharci la’ayd bey sharcigii u soo rideen. Nasiib daro tii Allah baa u timid oo meydkeedi jikada baa laga helay. Sacaada ma guursan wax caruura kama harin. Natiijadii yurub baa sidan noqotey loo soo ordaayey.

Warsame

DSC06105

Warsame waa wiilkeygii curad oo ku dhashay Mogadishu 1983. Asagoo labo sano iyo bar jir ah buu ku dhintay antibiotics injection uu u soo qoray Dr. Kildhi.  Dr. Kildhi oo ahaa dhaxtarka caruurta. Irbada waxaan kaga soo durnay pharmacy. Wakhtigiisii baa dhamaaday. Wuxuu habeenkaasi u yeeray Dr.Kildhi, doctor Maxamed Jamac oo neurologist ahaa, waxba muu qaban kareyn. 24 hours ka dib wuu dhintay Warsame. Arrintaan waxay ka dhacday Mogadishu 1985.

Wax yar dhimashadii Warsame kadib baan xanuunsaday. Dr. Maxamed Jamac baa la igu yeeray. Inankii bey u qaracsantahay buu yiri. Wuxuu ii qoray daawo hurdo oo aad khatar u ah, dhibaato weyn baa ka qaaday side effects badan buu lahaa.

Inaalilaahi wa inaaileyhi raajucuun

 

Digniin ku socata Somalida UK

KhadrAbdi Glass Co-Op Milk

 

Magacaygu waa Khadra Abdi Hassan. Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa sheeko run ah oo aniga igu dhacday. Labo week kahor, baan caano ka soo gadanay Co-Opererative Supermarket.
Intaanan dhalooyinka jajabka ka helin, qaar baanu cabnay. Markaan shaaha ku cadeyso is iri, oo caleenta ka reeb is iri, baan jabkii u horeeyay arkay. Koob kale baan karkariyay, waa sidii oo kale. Kii sadexaadna, jab aad u yar baan ka arkay. Markaas intii hartay, refrigerator baan iskaga celiyay. Waxaanu wacnay City Councilka. Waxaa nalagu yiri inay labratory gelinayaan oo ay qof soo dirayaan. Laakiin nasiib daro waxba nooma iman. Waxaa ila nool sadex gabdhood oon dhalay oo dhowr iyo labaatan jir ah oo ah aqoonyano. Haday dhalooyinkaas caloosha u galaan bal ka warama. Caanihii cabitaankiisii aad baan uga niyad jabay, waana iska shaandheeyaa. Walaalahay Soomaalida ee London ku nool waxaan ka codsanayaa inay caanaha iska shaandheeyaan oo ay ka taxadaraan. Waxaa mahad leh illaahay oo I tusay dhalooyinkaas. Waadna mahadsantihiin.

Khadra Abdi Hassan

 

Escalator accident

otis-escalators

Maalin jaranjarada orada baan lugta la waayey, wey irogrogtey. Dhinicii aan u dhacay kolba hal bir bey igu dhufataa. Waxaan modayeey in bir leyla dhacaayo. Dhalin yaro baa damiyey, wax yar baa jilbaha ka xorxooray. Subaxii markaan soo toosay waan burbursanaa, waxaan sameeyey jimicsi, aad baan ugu fiicnaaday. Dib uma korin jaranjaro dambe. Lift baan raacaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *