Golweyn

Golweyn oo la xoreeyey

mum

Dowlada Somaliyeed waxaanka codsanayaa in ay kuwa la dagaalamaya ayna quwadooda yareysan ee wada hadalo la furto leyskuna tanasulo la eeg umadda meel walba ku dhibateysan ciidamada ajanibiguna ka baxaan Somaaliya, dadkii beerah Somaliya kulahaa baan kamid nahay waxaan ka daalney dibadaha qabowgiisa faraxad kuma joogno dareen kayagu Soomaliya uun buu ku jeedaa rajada illahay lagama go’o.

Waxaan ku faraxsanahay inaan maalin maalmaha kamid ah, Golweyn ku noqonayno soona celin doono sharaftii beeraha Soomaaliyeed oon dibada u dhoofin doono mooska. Insha Allah.

Fruit and Vegetables in Golweyn

53161_NpAdvHover

Beeraha Golweyn ku yaala mooska ka sakow waxaa ka bixi jiray qunbe, banbeelmo, liindhanaan, canbe, canuuni, babey, khudaarta, qare, yaanyo, barbarooni, basbaas, i.w.m.

Mar baa lagu beeray, qaad kan hererige ah ee waaweyn. Aad buu u bixi jray, waan iska dhex fariisan jirnay, lakiin qofna reerka kama uu cuni jiriin. Waa la iibin jiray oo dadka wey soo doonan jireyn.

Animals in Golweyn

Xayawaanka; masaska khatarta ah baa ku noolaa Golweyn. Guriga agtiisa waxaa mari jiray maroodi raxan raxan u socda. Waxaa biyaha ku jirtay; jeer, doofaar waaweyn uu joogay. Kalluun fresh ah oo bada laga keenay baan cunin jirnay. Kaniico aad khatar u ah wey jirtay. Chef waxaa noo ahaa Ahmed Caliyow oo aad u cunto macanaa, waxna aan ka baranay. Waxaan ku faraxsanahay inaan 10 sano ku noola Golweyn, Gobolka Shabeelaha Hoose. Nabadii waagaas jirtay tolow ma soo noqon doonta?

 

Elephants

Elephants

rhino

Rhino

cobra

Cobra

Macallinimadii Golweyn

somalia

awaare1

Dugsiga hoose dhexe ee Golweyn baa leygu soo qorey, ka dib markaan labo sano macalinimo Xalane soo dhameeyey 1978-1979, in kasto aanan ku raagin macalinimada waxaan xasuusta ku yar oo la oran jirey Hussein, wuxu igu oran jiray marku rabo musqusha: ‘Awkey macalin ha kaadiyee quduro ha kaadiyee.’ Waxaan dhigi jiray xiisada af-Somaliga. Labo bilood anoo ku leh misharkeygii baan u doonan 800 oo Shilin Somali ah. Dawladu Somaliyeed mey i siin hada? (kaftan).

Af-Soomali

Afka Soomalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan kasto loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maah maah, gabay iyo geeraar, heeso iyo heello.

Dhinic loo eegaba waa af hodon ah oo murti ka buuxdo qaayana eebbe u yeelay. Af-Soomaligu wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo geeska Afrika. Dadka ku hadlana ku kalsoon yihiin, dantooda ku sheegan karaan. Af-Soomaligu wuu filweyn yahay, waxuuna soo maray taariikh dheer.

Xarfaha labanlaabmaya ee Af Soomaaliga waa inay ka mid ahaadaan toddobada xaraf oo ka mid ah shibbaneyaasha ee B, D, G, M, N, L, R. Xarafka labanlaabmaya waa inuu dhawaaqiisu adag yahay.

Waalidiinta Soomalida waxaan kula talinayaa in ay caruurtooda baraan Af-Soomaliga, hadii kale waxay noqoneyaan dad aan jirin.

Liblib, Khiyan iyo Talaas.

Xoolo is kugu jira, lo iyo ari, baan ku dhiqi jirnay beerta. Caanaha laga soo liso habeen kii wahkti danbe oo 10ka habeenimo ah baa naloo kicin jiray. Waxaan xasuustaa sac la oran jiray, Liblib. Waxaan haysanay eey iyo bisad banaan joog ahaa, eeygi markaan soo guureynay buu ilaa jidka nasoo raacay, waxaa lo oran jirey, Khiyaan. Jidka asagoo socsocda baa baabuur weyn dilay, mana istagin babuurkii. Dhulka nabad buu ahaa, Waardigeena iridka hortiisa buu fadhiisan jirey. Waxaa la oran jirey, Talaas. Hal saaf ah ama bilaawe buu haysan jiray.

 

locmap_GOLWEYN_44.4153333X1.5466667X44.7513333X1.7866667

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *